Imaamyada Tanzania oo cambaareeyay dilalka la xiriira doorashada

0
96

Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ee Tanzania ayaa Sabtidii cambaareeyay dilalka ay geysteen ciidamada amniga ee dhacay ka dib doorashadii bishii hore ee muranka dhalisay.
Madaxweyne Samiya Suluuxu Xasan ayaa lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay doorashadii 29-kii October iyadoo heshay 98 boqolkiiba codadka ka dib markii mucaaradkeeda ugu muhiimsan la xiray ama laga reebay doorashada.
Mucaaradka ayaa sheegay in in ka badan 1,000 qof la dilay intii lagu jiray dhowr maalmood oo rabshado socdeen iyadoo madaxweyne Samiya ay Jimcihii ballanqaaday inay guddi baaritaan ah u samayn doonto dhimashada.
Imaamyada ayaa waxaa ay sheegeen in kormeerayaashoodii aan rasmiga ahayn ee doorashada ay heleen caddayn muujinaysa buuxinta codadka iyo diiwaangelinta dadkii dhintay iyagoo ah codbixiyeyaal, iyagoo intaa ku daray inay “suurtogal ahayn” in natiijo sharci ah laga helo shuruudahaas.
Imaamyada ayaa waxaa ay ku baaqeen wadahadal, dastuur cusub iyo soo celinta “caddaaladda, nabadda iyo sharafta aadanaha” ee dalka Bariga Afrika.