Alle ha u naxariistee waxaa geeriyooday Sheekh Muxammad Swalihu oo masjidka wayn ee Jamia ee magaalada Nairobi imaam ka ahaa tan iyo sanadkii 1995-tii.
Maamulka masjidka ayaa geerida sheekha ku xaqiijiyay barta Twitter-ka.
Sheekha ayaa saaka geeriyooday ka dib markii uu muddo la xanuunsanaa cudurka kansarka.
Waxaa uu sanadkii 1949-kii ku dhashay jasiiradda Ndau ee bariga ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta.
Sheekh Muxammad Swalihu ayaa ku takhasusay culuunta Fiqiga, Axaadiista, Tawxiidka iyo Siirada.
Sidoo kale telefishinka Horizon ayuu ku lahaa barnaamij uu uga hadli jiray arrimaha Fiqiga.
Waxaa uu soo jeedin jiray muxaadarooyin ku saabsan culuuntan sidoo kalena waxaa uu maalinka Jimcada ah ka khudbayn jiray masjidka Jamia.
Waxaa uu qorshuhu yahay in meydkiisa salaadda janaasada lagu tukado ,masjidka Jamia ee Nairobi salaadda Casar ee ka dib waxaana lagu aasi doonaa xawaalaha muslimiinta ee Kariokor Muslim Cemetery ee caasimadda dalka.
Janaza Prayers for our beloved Imam will be held today immediately after Asr prayers at Jamia Mosque Nairobi.
The burial will be held at the Kariokor Muslim Cemetery. pic.twitter.com/D6SU0LVzhc— Jamia Mosque Nairobi (@jamia_mosque) October 11, 2022
اللَّهُمَّ اغْفِرْ لَهُ وَارْحَمْهُ وَعَافِهِ وَاعْفُ عَنْهُ وَأَكْرِمْ نُزُلَهُ وَوَسِّعْ مُدْخَلَهُ وَاغْسِلْهُ بِالْمَاءِ وَالثَّلْجِ وَالْبَرَدِ وَنَقِّهِ مِنَ الْخَطَايَا كَمَا نَقَّيْتَ الثَّوْبَ الأَبْيَضَ
— Sheikh Jamaludin Osman (@JamaludinSheikh) October 11, 2022
إن العين لتدمع والقلب يحزن، ولا نقول إلا ما يرضي ربنا، وإنا لفراقك يا#إمام_محمد_صالح
لمحزونون
إنا لله وانا اليه راجعون
The eyes are shedding tears 😢 & the heart 💔 is grieved, & we will not say except what pleases our Lord
#Imam_Swalihu Indeed we are grieved by your separatio pic.twitter.com/cApdRxM2Dp— Sheikh Jamaludin Osman (@JamaludinSheikh) October 11, 2022




