Ilmo yar oo dhallan lix bilood oo aabaheed uu ku gubay ismaamulka Siaya

0
393

Waxaa lagu soo warramayaa in ilmo yar oo lix bilood dhallan oo gabadh ah ay dhaawacyo culus soo gaareen.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay tuulada Siandha ee deegaanka bariga Gem ee ismaamulka Siaya.
Arrintan ayaa dhacday ka dib markii uu muran dhexmaray aabaha iyo hooyada ilmaha yar.
Murankaasi ka dib, aabaha dhalay ilmaha yar oo magaciisa lagu sheegay Victor Njeri ayaa go’aansaday inuu biyo kulul ku shubo inanta.
Waxaa dhacdadan saldhigga booliiska ee Ramula ku wargeliyay ku simaha ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka aagaasi Vitalis Otunga kaas oo sheegay in aabaha uu doonayay in uu biyaha kulul ku shubo xaaska oo ilmaha yar xambaarsanayd
Dhacdadan ka dib, hooyada dhashay gabadha ayaa qayla dhaan sameysay, taasi oo soo jiidatay dareenka dadka deriska ah, oo u qaaday ilmaha yar isbitaalka Yala.
Dadka deriska la ah ayaa dambiilaha kula kacay laad iyo dharbaaxo ka hor inta aysan soo badbaadin askar ka tirsan saldhigga booliska Ramula.
Waxaa socda baaritaanno dheeraad ah oo la xiriira arrinkan.