Ilhaan Cumar oo sheegtay in Mareykanku isu beddelay mid ka mid ah dalalka ugu xun dunida

0
181

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Congress-ka Mareykanka lagan soo doortay gobolka Minnesota, ayaa toddobaadkan sheegtay in Mareykanka uu hadda noqday mid ka mid ah “dalalka ugu xun” caalamka.
Ilhaan, oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, waxay hadalkan ka sheegtay wareysi lagu daabacay bogga YouTube-ka ee barnaamijka Democracy Now! Jimcihii.
Ilhaan ayaa waxaa ay hadalkeeda kusoo beegtay ka hor intaan la qaban xaflad militari oo uu Madaxweyne Donald Trump ku xusayay 250 sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Mareykanka. Xafladdu waxay sidoo kale ku aaddanayd maalinta Calanka Mareykanka iyo sanadguuradii 79-aad ee Trump.
Waxay sidoo kale ku eedeysay Trump inuu burburinayo dalka.
Si kastaba, dad badan, gaar ahaan kuwa garabka midig ee Mareykanka, ayaa hadalka Ilhaan si adag u cambaareeyay. Guy Benson, oo ah qoraa ka tirsan warbaahinta Fox News, ayaa hadalka Ilhaan ku tilmaamay xadgudub weyn.