IJM oo bilowday baaritaan ku saabsan dilalkii mudaaharaadyada Saba Saba

0
402

Tirada dadka ku dhintay mudaaharaadyadii Saba Saba ee Isniintii dhacay ayaa kor u dhaaftay 15 qof, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Howlgalka Cadaaladda Caalamiga (IJM) Talaadadii.
Bayaan uu soo saaray agaasimaha dalka Vincent Chahale, ururka u heellan dib u habeynta booliiska iyo wax ka qabashada arrimaha saameeya haweenka iyo carruurta, ayaa lagu sheegay in ay si qaas ah u qaadi doonaan qaar ka mid ah kiisaska arxan-darrada ah oo uu ku jiro kiiska gabar yar oo 12 sano jir eheed oo lagu magacaabi jiray Bridgit Njoki oo rasaas habaw ah ay ku dhishay gurigooda oo ku yaalo xaafada Ndumberi ee ismaamulka Kiambu.
Chahale ayaa xusay in Kenya ay wajaheyso xaalad aad u dhib badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Marka laga reebo dhimashada, mudaharaadka Saba Saba ayaa waxaa kale oo uu dalka wajahay burbur hantiyeed oo baahsan.
IJM ayaa intaa ku dartay in isticmaalka aan loo meel dayin ee hubka iyo awooda xad dhaafka ah ay sii wadaan galaafta nolosha dadka Kenyaanka ah ee aan waxba galabsan.
Marka loo eego warbixinta hay’adda Missing Voices, 45 qof ayaa la dilay intii lagu gudha jiray mudaaharaadyadii Mandamano 2023-kii, 60 lagu dilay mudaaharaadyadii Gen Z 2024-kii, 20 la dilay 25-kii bishii June ee sanadkan oo ay dhallinyaradda xusayeen kuwii naftooda kuwaayay mudaaharaadkii 2024-kii ee looga soo horjeeday hindise sharciyeedka maaliyadda iyo qiyaastii 15 qof oo lagu dilay mudaaharaadka Saba Saba.
Chahale ayaa sidoo kale iftiimiyay qaabka loo weerarayo saxafiyiinta iyo xubnaha bulshada rayidka ah, iyo sidoo kale in tacadiyada galmada loo isticmaalo hub lagu cabsi geliyo haweenka iyo gabdhaha.
Sidoo kale waxaa uu xasuusiyay adeegga qaran ee booliiska ee NPS in uu dastuurka u igmaday in ay ilaaliyaan heerka ugu sareeya ee xirfada shaqo iyo in ay ixtiraamaan xuquuqul insaanka iyo xoriyaadka aasaasiga ah,isaga oo sheegay in aan la aqbali karin in shacabka aan hubaysnayn loo adeegsado awood xad daaf ah.
IJM ayaa intaa ka dib ku baaqday mudaaharaadyo nabadeed oo aan lahayn burbur hantiyeed iyo weeraro ka dhan ah saraakiisha booliiska.