Iiraan oo xukun dil ah ku fulisay saddex qof oo lagu helay dambiga dilka booliis intii lagu jiray rabshado ka dhacay dalkaas

0
192

Iiraan ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex qof oo lagu helay inay dileen askar booliis ah isla markaana fuliyeen howlgallo taageerayay Mareykanka iyo Israa’iil intii lagu jiray mudaharaadyadii sanadkan, sida ay sheegtay garsoorka dalka. Xukunka ayaa dhacay Khamiista, waxaana la sheegay in saddexda qof ay ku lug lahaayeen dilka laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka.
Garsoorka ayaa sheegay in saddexda qof ay ku eedeysnaayeen dambiyo ay ka mid yihiin dil iyo ka shaqeynta howlgallo u adeegayay Mareykanka iyo “xukuumadda Yahuudda.” Fulinta xukunka ayaa timid iyada oo dalka uu wajahayo dagaal baahsan oo maalintiisa 20-aad galay.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in guud ahaan 3,117 qof ay ku dhinteen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda ee billowday dhammaadkii December, iyagoo diiday warbixinno ka yimid Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo sheegayay in ciidamada dowladda ay masuul ka ahaayeen dilalka. Inta badan dilalka ayaa dhacay 8-9-kii Janaayo ee sanadkan.