Iiraan oo u yeertay safiirka Ruushka

0
238

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan ayaa sheegtay in loo yeeray safiirka dowladda Ruushka u fadhiya magaalada Tehraan.
Danjiraha ayaa laga wareystay go’aan ay xukuumadda Moscow ku taageertay sheegashada Imaaraadka ee saddex jasiiradood oo lagu muransan yahay si ay bayaan wadajir ah la soo saartay golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC).
Iiraan oo sidoo kale jasiiradahaasi sheeganaysa ayaa dowladda Ruushka ka dalbatay inay saxdo mowqifka ay arrinkan ka qaadatay.
Bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan waxaa ku cad in safiirka Ruushka uu ku nuuxnuuxsaday inay qadarinayaan madax bannaanida dhuleed ee Iiraan isagoo ballanqaaday inuu dowladiisa la wadaagi doono farriinta ku aaddan tabashada xukuumadda Tehraan.