Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan ayaa u yeertay danjiraha dowladda Ciraaq u fadhiya magaalada Tehran.
Iiraan ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay mid ay ku muujinaysa inay aad uga xun tahay jiritaanka kooxo gaysta falal argagixisannimo.
Tehran ayaa ka carootay in kooxdan gooni u goosadka ah lagu casuumay munaasabad rasmi ah.
Sidoo kale dowladda Iiraan ayaa qoonsatay dhaqdhaqaaqyo ay kooxo lagu tilmaamay argagixiso ay ka wadaan gudaha gobolka Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq.
In kastoo aan kooxdan la magacdhawin haddana tilmaanta laga bixiyay ayaa loo tiirinaya kooxaha hubeysan ee gobolka Kurdish.
Sidoo kale Iiraan ayaa dowladda Ciraaq ugu baaqday inay hubka ka dhigto kooxahan oo aynan marnaba oggolaan in dhulkeeda laga soo weerarro Tehraan.




