Iiraan oo toogatay nin lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay Mossad

0
420

Iiraan ayaa toogatay nin ay ku eedeeyeen inuu u shaqeynayay hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tasnim.
Ninkaas ayaa lagu xukumay dil ka dib markii uu maray habraacyada sharciga, waxaana go’aanka ansixiyay Maxkamadda Sare. Waxaa uu u gudbiyay saraakiisha Mossad sawirro iyo xog ku saabsan meelaha xasaasiga ah ee xaruumaha militariga dalka.
Tasnim ayaa sheegtay in ninka lagu qanciyay inuu u shaqeeyo Mossad isagoo ku sugnaa Sweden. Sarkaal Mossad ah oo af Faarisi ku hadla ayaa xiriirkii ugu horeeyay la sameeyay.
Ninka ayaa la qabtay bishii Juun ee sanadkii hore isaga oo ku suggan magaalada Savojbolagh ee Iiraan, intii lagu jiray dagaalkii 12-maalmood socday oo u dhexeeyay Iiraan iyo Israa’iil. Waxaa uu watey qalab sirdoon oo casri ah, qalabka isgaarsiinta sirta ah iyo kan dayax gacmeedka.