Iiraan oo soo saartay tirada rasmiga ah ee ku dhimatay duqeyntii Israa’iil ee Xabsiga Evin

0
618

Afhayeenka garsoorka Iiraan Asghar Jahangir ayaa sheegay in weerarkii Israa’iil ay ku qaaday xabsiga Evin ee ku yaalla caasimadda Iiraan ee Tehran, lagu dilay 71 qof todobaadkii hore.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in ciidamada Israa’iil ay weerareen hool ay ku sugnaayeen dhowr qoys oo soo booqday eheladooda ku xiran xabsigaas.
Dhanka kale afhayeenka xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Thameen al-Kheetan ayaa todobaadkii hore sheegay in weerarka xabsiga uu ahaa “xadgudub weyn oo ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada”, isagoo aan magacaabin Israa’iil.