Iiraan oo sheegtay inay bartilmaamedsatay garoonka diyaaradaha ee Israa’iil

0
146

Wakaalada wararka ee Tasnim ayaa soo tabinaysaa in Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee IRGC ay gantaladii ugu dambeeyay la beegsadeen garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Ben Gurion ee Israa’iil iyo xaruumo kale ee taliska ciidamada Israa’iil.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka mid ahaayeen adeegsiga gantaalada riddada dheer iyo kuwa adkaha ah.
Shirkadaha waaweyn ee Israa’iil, El Al, Israel Airlines, Arkia iyo Israir, ayaa sheegaya inay joojin doonaan duullimaadyada u oggolaanaya dadka inay ku laabtaan dalka illaa amar dambe.
El Al ayaa sidoo kale sheegtay in ay kordhin doonto joojinta duullimaadyada la qorsheeyay illaa 27-ka bishan Juun.
Weerarkan cusub ee Iiraan ayaa imanayaa iyadhoo xalay uu Mareykanka duqeyn ku qaaday 3 ka mid ah xaruumaheeda Nukliyeerka ee Fordon, Isfahan iyo Natanz.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbas Araghchi ayaa sheegay in weerarada “arxandarada leh” ee Maraykanku ku hayo “goobaha nukliyeerka ee nabadda ah” ee Iran ay yeelan doonaan “cawaaqib weligeed ah”. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo gantaal ay Iiraan ku qaadday bartamaha iyo waqooyiga Israa’iil ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 23.
Hay’adda caalamiga ah ee ilaalinta tamarta nukliyeerka ayaa sheegtay in aysan jirin warbixino sheegaya in ay kordheen heerka shucaaca ka baxsan goobta kadib weeraradii Mareykanka uu ku qaaday goobaha Iran.