Ugu yaraan 13 qof oo Iiraaniyiin ah ayaa ku dhintay iyaga oo gudanaya waajibaadka Xajka ee Sacuudiga, iyadoo ay sare u kacday heerkulka magaalooyinka barakeysan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iiraan Sabtidii shalay.
War saxaafadeedka ay baahisay IRNA ayaanan lagu sheegin sababta keentay dhimashada, balse waxaa looga digay xujeyda inay si toos ah u haleelaan cadceeda oo ay cabaan biyo badan, si loo yareeyo khatarta kuleelka.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in 86,700 oo Iiraaniyiin ah ay sannadkan u tageen Sacuudiga si ay u soo xajiyaan.
Sannadkii hore, in ka badan 1,300 oo qof oo ay ku jiraan 22 Iiraaniyiin ah ayaa ku dhintay Xajka, halkaas oo heerkulku uu gaadhay 51.8C (125 darajo Fahrenheit).