Iiraan ayaa ka dalbatay Mareykanka inuu caddeeyo sida saxda ah ee cunaqabateynta looga qaadi doono haddii labada dhinac ay heshiis cusub ka gaaraan barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Esmail Baghaei, ayaa hadalkan jeediyay Isniintii, maalmo ka dib markii Mareykanka uu gudbiyay waxa uu ku tilmaamay soo jeedin “la aqbali karo”. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Iiraan ay u aragto dalabka mid “aan bilow ahayn” ayna isku diyaarinayso inay diido.
Labada dhinac ayaa qaatay todobo isbuuc oo wadahadal ah oo ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka, iyada oo Maraykanka uu raadinayo dammaanad ah in uu nabdoon yahay, halka Iiraan ay rajaynayso in ay ka badbaado ciqaabta cunaqabataynta ee dhaqaalaheeda ku habsatay sannadihii u dambeeyay.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Tehran ayaa hadda ka dalbanaysa Washington in ay faahfaahin ka bixiso waxa ay bixinayso, taasoo ka tarjumaysa shakigii uu horaantii sanadkan ka dhawaajiyay hogaamiyaha sare ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei.
Hadalada ay siidaysay wakaalada wararka ee IRNA, Baghaei ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo dammaanad qaadka ku saabsan “dhamaadka dhabta ah ee cunaqabataynta”, oo ay ku jiraan faahfaahinta “sida iyo habka loo marayo” meesha looga saarayo.