Dowladda dalka Iiraan ayaa liiska madow ku dartay tiro ka mid ah saraakiisha iyo hay’adaha Midowga Yurub.
Waxaa ay saraakiishan iyo hay’adahan ku eedeysay in qayb ka yihiin hurita dibadbaxyada ka socda wadanka Iiraan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa maanta sheegtay in ay cunaqabatayn ku soo rogtay 12 qof iyo siddeed hay’adood oo ay ku eedeysay in taageerayaan argagixisada iyo faafinta rabshadaha.
Cunaqabataynta shakhsiyaadkan la saaray ayaa waxaa ka mid ah galitaanka wadankaasi iyo in lala wareegayo hanti kasta oo ay ku leeyihiin Iiraan.
Iiraan ayay mudaaharaadyo ka jireen tan iyo markii ay geeriyooday haweeney u xirnayd ciidamada booliska.