Dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay inay toddobo sano ka dib furi doonto safaaradii ay ku lahayd boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Tallaabadii lagu xiray ayaa timid ka dib khilaaf dibloomaasiyadeed oo labada dal soo kala dhex galay.
Qorshaha dib loogu furaya safaaradda waxaa xaqiijiyay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Nasser Kanani.
Waxaa uu xaqiijiyay in safaaradda Iiraan ee magaalada Riyadh in berri dib loo furi doono.