Dowladda Iiraan ayaa dacwad ka dhan ah Canada gaysay maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ.
Waxay ku doodaysa in Canada ay ku xadgudubtay waajibaad caalami ah oo saaran ka dib markii ay dad u oggolaatay in la siiyo magdhow ku aaddan waxyeello qoysaskooda loogu gaystay gudaha Iiraan.
Maxkamadda ICJ ayaa hoosta ka xarriiqday in Iiraan ay ku andacoonaysa in wax loo dhimay xasaanadda madax bannaannimo ee ay leedahay.
Sanadkii hore ayay ahayd markii ay maxkamad ku taalla dalka Canada 107 milyan oo lacagta wadankaasi ah una dhiganta 84 milyan oo doolar ay siisay qoysaska 6 qof oo ku dhintay diyaarad ay lahayd Ukraine oo ay dowladda Iiraan bishii Koowaad ee sanadkii 2020-kii ay ku soo ridday meel u dhow magaalada Tehran .




