Iiraan oo baaraysa muuqaal xadgudub ah oo laga duubay saraakiisha ammaanka

0
244

Ciidamada booliiska ee dalka Iiraan ayaa guda galay baaritaano ku aaddan muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada.
Waxaa muuqaalka laga dhex arkaya saraakiisha la tacaala rabshadaha oo si ku celcelis ah u laadaya nin kadibna tooganaya.
Muuqaalkan oo ah labo daqiiqo ayaa ku soo beegmaya iyadoo isbuucii toddobaad ay dalka Iiraan ka socdaan dibadbaxyo .
Taliska dhexe ee booliiska Iiraan ayaa maanta sheegay in baaritaannada lagu xaqiijinaya xilliga la duubay muuqaalka ,meesha ay arrintan ka dhacday iyo in la aqoonsado saraakiisha tacaddiga u gaysanaya qofka.
Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa dhankeeda sheegtay in tani ay muujinaysa in saraakiisha ammaanka ee Iiraan aynan lahayn xad qabanaya.
Hay’adda ayaa golaha xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay ugu baaqday inuu baaritaano sameeyo.
Mudaaharaadyada Iiraan ayaa ka dhashay in 16-kii bishii Sagalaad ee sanadkan ay xabsi ku dhex geeriyootay Mahsa Amini oo 22 sano jir ahayd.