Xoghayaha Fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii dhawaan lagu bartilmaameedsaday dugsiga sare ee Lhubirira oo ku yaalla degmada Kasese ee dalka Uganda.
Waxaa uu xoghayaha falkaasi ku tilmaamay mid argagixiso oo loo fuliyay si fuleynimo iyo damqasho la’aan laga dheehan karo.
Dr. Gebeyehu ayaa tacsi u diray qoysaska iyo saaxiibbada ay waxyeelladu ka soo gaartay weerarkaasi.
Sidoo kale waxaa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay inta dhaawacantay.
Bayaan ka soo baxay urur goboleedka IGAD oo lala wadaagay warbaahinta Star ayaa lagu sheegay inay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Uganda.
Dr. Gebeyehu ayaa intaasi ku daray in IGAD ay ka go’an tahay inay dowladda Uganda garab ku siiso ka hor tagga argagixisannimada iyo xoojinta nabad galyada gobolka.