IGAD oo boogaadisay kaalinta Star FM ee isku xirka bulshada

0
637

Iyadoo maanta oo kale dunida sanad walbo looga dabbaal deggo maalinta raadiyaha adduunka ayuu urur goboleedka IGAD qoray warbixin uu ku boogaadinaya sida idaacadda Star FM ay kaalin uga qaadato isku xirka bulshada ku nool xuduudaha waddamada dariska ah.
Tani ayaa timid ka dib markii Idaacadu ay qabatay barnaamijyo looga hadlayay waxyaabo ay dani ugu jirto dadweynaha ku nool Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.
Barnaamijyada ayaa lagu eegayay sida ay adeegyada maaliyadeed fursad ugu helaan laguna horumariyo haweenka Mandera, Beledxaawo iyo Doolow oo ka tirsan Soomaaliya iyo Dolo Ado ee dalka Itoobiya.
Star FM ayaa waxaa xarumaheeda Nairobi iyo Muqdisho ka baxay taxanaha 12 barnaamij oo loogu magacdaray Daryeel oo ay iska kaashadeen IGAD iyo qaybta idaacadda u qaabilsan horumarinta warbaahinta ee SMDC.
Taxane kasta waxaa uu socday 30 daqiiqo waxaana diiradda lagu saarayay caqabadaha haysta haweenka iyo gabdhaha yaryar , saameynta uu ganacsigooda iyo wax soo saarkooda dhaqaale uu ku yeeshay cudurka COVID-19, arrimaha cimillada iyo xeeladaha badbaado ee ay adeegsan karaan ragga iyo haweenka marka ay abaar saameyso nolol maalmeedkooda.
IGAD waxay sheegaysa in baarnaamijyadan laga dhageystay deegaano ay ku nool yihiin ilaa hal milyan oo qof iyadoo in ka badan 20,000 oo kale ay kala socdeen baraha bulshada.
Isku celcelis ahaan taxane kasta waxaa uu gaarayay 1,000 qof
Iyadoo hal ku dhigga xuska maalinta raadiyaha adduunka ee sanadkan uu yahay ‘Radio and Trust’ oo loola jeedo raadiye iyo kalsooni ayay IGAD xustay in Star FM ay raadiyaha u sii adeegsanayso inay dhisto buundo isgaarsiineed oo bulshada isku xiraysa.
Urur goboleedka IGAD ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay hoos u dhigtay sinnaan la’aanta jinsiyadeed ee Mandera.
Dhanka kale Hay’adda qaramada midoobay ee arrimaha waxbarashada , sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO ayaa sheegaysa in sida ay tilmaamayaan warbixinno badan oo caalami ah raadiyaha uu weli ka mid yahay warbaahinta loogu kalsoonida badan yahay dunida oo ayna fududahay in lagu xirnaado.

Amid a pandemic, radio connects cross-border communities