Urur goboleedka IGAD,Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si wada jir ah bayaan uga soo saaray xaaladda wadanka Suudaan.
Waxaa sidoo kale bayaanka qayb ka ah Sacuudi Carabiya, Imaaraadka , Ingiriiska iyo Maraykanka.
Waxay dhammaan soo dhaweeyeen in ciidamada militariga ee Suudaan iyo kuwa sida militariga u tababaran ee RSF ay sii kordhiyeen muddada uu shaqeynaya heshiiska xabbad joojinta.
Labada dhinac ayaa lagula taliyey inay ka dhabeeyaan dhaqangelinta is-afgaradka la xiriira xabbad joojinta.
Sidoo kale waxay soo dhaweeyeen rabitaanka ay muujiyeen militariga iyo ciidamada RSF ee ku aaddan inay ka qayb galaan wada hadallada xal waara loogu raadinaya colaadda saameysay Suudaan.