Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay 45 ka mid ah barasaabyada ismaamullada dalka ee la doortay codeyntii 9-kii bishan dalka ka dhacday.
Dowlad deegaannada wadanka ayaa ka kooban 47 ismaamul, iyadoo laba mid ah doorashadoodi dib loo dhigay.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in tirada codadkii doorashada uu helay guddoomiye kasta sidoo kale wargeyska lagu soo daabacay.
Waxaa uu sheegay in hoggaamiyayaashaan ay buuxiyeen shuruudaha qaybta 4-aad ee farqada 138 ee dastuurka dalka.
Ismaamullada Kakamega iyo Mombasa oo doorashooyinkoodii xilka barasaabnimo horraan dib loo dhigay, ayuu qorshuhu yahay in 29-ka bishan ay codeyntooda qabsoonto.
Sida sharciga ah u dhigaya, dhammaan guddoomiyaasha cusub ee la soo doortay ayaa ah in la dhaariyo 10 cisho ka dib markii uu guddiga IEBC ku dhawaaqay in ay ku guulaysteen jagadaasi.
Waxaa la filayaa in 25-ka bishan oo ku beegan maalinka Khamiista xilalkooda loo dhaariyo 45-ta barasaab ee cusub ee ismaamullada.