IEBC oo talooyin u gudbisay baarlamaanka

0
600

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC) ayaa baarlamaanka u gudbiyey soo jeedin ah in la soo saaro xeer oggolaanaya in xil ka qaadis lagu sameeyo xildhibaannada.
IEBC ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay dardargelinta xaqa ay shacabka u leeyihiin in xafiisyada laga saaro mas’uuliyiinta ay doorteen haddii aynan u bogin waxqabadkooda.
Waxaa uu guddigu xusay in kastoo hadda ay jiraan nidaamyo noocani oo ka dhan ah wakillada deegaannada hoose ee loo yaqaano MCAs haddana in aynan jirin geeddisocodyo cad oo loo adeegsan karo xil ka xayuubinta xildhibaannada iyo senatarrada.
IEBC waxay doonaysa in baarlamaanka uu xeer ahaan caddeeyo waxyaabaha lagu saleyn karo iyo hab-raacyada xil ka qaadista mudanayaasha.