Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa soo bandhigay shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta u tartameysa doorashada dadban ee dhaceysa 27-ka November ee sanadkan taasoo ka kooban 24 kursi oo dalka oo dhan ah.
IEBC ayaa sheegtay in musharixiinta ay tahay inay buuxiyaan shuruudaha jinsiyadda, bixinta kharashka magacaabista, iyo haddii ay dhacdo musharrixiinta madaxa bannaan inay soo gudbiyaan liiska taageerayaasha oo wata nuqullada kaararka aqoonsiga.
Marka loo eego hab raacyada, khidmadaha magacaabista ayaa kala duwanaan doonaan iyadoo ay ku xiran tahay kursiga iyo qaybta uu musharaxxa u tartamaayo.
Haweenka, dhallinyarada, iyo dadka naafada ah ayaa bixin doona 10,000 oo shillin marka ay u tartamayaan kuraasta Golaha Deegaanka, halka kuwa kale ay bixin doonaan 20,000 oo shillin.
Musharaxiinta doonaya kuraasta baarlamaanka qaranka, ayaa dadka la haybsooco waxaa ay khidmad ahaan u bixin doonaan 2,500 halka kuwa kale ay bixin doonaan 5,000 oo shillin.
Dadka doonaayo inay helaan kuraasta aqalka senetka ayaa kuwa la haybsooco waxaa ay bixin doonaan 25,000 halka kuwa kale ay bixin doonaan 50,000 oo shillin.
Musharixiinta ku tartamaaya sida madaxa bannaan ayaa looga baahan doonaa inay helaan taageraada hoose ee dadka deegaanka ay ka tartamayaan.
IEBC ayaa sheegtay in musharaxiinta ay keenaan liiska taagaradooda iyadhoo intaa ku dartay in laga doonaayo 1000 taagerayaal musharaxiinta u taagan kuraasta barlamaanka qaranka, 500 kuwa u tartamaaya kuraasta golaha deegaanka iyo 2000 oo taageero musharaxiinta indaha ku hayo kuraasta aqalka senetka.
Guddiga doorashada ayaa sidoo kale xusay in musharixiinta madaxa banaan aysan ka mid noqon xisbi siyaasadeed muddo saddex bilood ah ka hor doorashada ku celiska ah.
Dhammaan musharixiinta ayaa waxaa sidoo kale looga baahan doonaa inay soo gudbiyaan foom cadeeynaayo inaysan ku lug lahayn falal musuqmaasuq ah ka soo laga soo qaadan doono Guddiga Anshaxa iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC).
Dufcadda kuraasta bannaan ayaa kala ah waqooyiga Kariobangi ee ismaamulka Nairobi, Bariga Kisa ee dowlad deegaanka Kakamega, degmada Metkei ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Qeybta labaad ayaa waxaa ku jira kursiga senate-ka ee ismaamulka Baringo, 6 deegaan barlamaaneed oo kala ah Banissa, Kasipul, Magarini, Malava, Waqooyiga Mbeere iyo Ugunja, iyo sidoo kale degmada Kabuchai/Chwele ee dowlad deegaanka Bungoma.
Home Wararka Kenya IEBC oo soo saartay shuruucda musharixiinta ee doorashooyinka dadban ee 27-ka Nov