IEBC oo sheegtay inaysan qabashada xil hoggaan ka hor istaagi karin eedeysane

0
373

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay inuusan lahayn awood uu shakhsiyaadka ku eedeysan dembiyada uu musuqmaasuqa ka mid yahay uga hor istaago u tartamidda jagooyinka siyaasadeed.
IEBC ayaa cuskatay in sanadkii 2013-kii maxkamadda sare ee dalka ay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto u oggolaatay inay tartamaan in kastoo ay wajahayeen eedeymo ka dhan ahaa xuquuqul aadanaha.
Guddiga ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in qofka eedeysanaha ah uunan wax dembi ah lahayn ilaa iyo inta looga caddeynaya dacwadda lagu soo oogay sidaas awgeedna aynan jirin sabab uu u farageliyo geeddisocodka caddaaladeed.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday agaasimaha arrimaha sharciga Chrispine Owiye oo ka jawaabayay kiis uu gudbiyay Okiya Omtatah.
Mr.Omtatah oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo xuquuqul aadanaha ayaa doonaya in musharraxiinta lala xiriiriyay ku takriifalka kheyraadka dadweynaha laga hor istaago inay u tartamaan xilalka hoggaanka.
Waxaa uu Omtatah ku doodaya in haddii shakhsiyaadkan loo fasaxo ka qayb qaadashada doorashada guud in tani ay khatar ku tahay nidaamka dastuuriga ee dalka.
Waxaa uu intaasi ku daray haddii musharraxiintan la doorto inay caqabad ku noqon karaan maamulka dalka iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Hasa ahaate guddiga doorashooyinka ee uu hoggaamiyo Wafula Chebukati ayaa sheegay in guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ay mas’uuliyad ka saaran tahay inuu soo bandhigo xogaha dadka ku eedeysan falalka wax isdaba marinta in kastoo taasi aynan ku filnayn in musharrax looga hor istaago ku biiridda tartan siyaasadeed.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji uu sheegay in muddo saddex bilood ah aynan diiradda saari doonin la tacaalidda dacwadaha musuqmaasuqa.