IEBC oo sheegtay inay u diyaar garowday maareynta doorashada guud

0
422

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in kastoo ay wajahayaan culeys dhaqaale hadda ay diyaar u yihiin qabashada doorashada guud ee sanadkan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Kenya ay 9-ka bisha August ka dhacdo codeyn ay dadweynaha ku soo dooranayaan mas’uuliyiinta muddo shan sano ah hayn doono 6-da xilal ee hoggaanka.
Mr. Wafula Chebukati ayaa shacabka ka codsaday inay ka faa’iidaystaan diiwaangelinta ka socoto guud ahaan dalka oo ku eg 6-da bisha labaad ee sanadkan.
Waxaa uu xusay in karaaniyaasha guddiga aynan inta badan mashquulsanayn maadaama weli ay hooseyso tirada dadka u soo baxaya inay is diiwaangeliyaan.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay inay wadaan olole online ah oo ay dhallinyarada ku wacyigelinayaan inay codeynta isku diiwaangeliyaan.