Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu si dhow ula shaqeeyo warbaahinta dalka si kenyaanka loogu gudbiyo macluumaad sax ah oo ku saabsan geeddisocodka doorashada.
Guddoomiyaha IEBC ,Wafula Chebukati ayaa shir shalay ka dhacay magaalada Nairobi ka sheegay in saxaafaddu ay kaalin wayn ka qaadato xaqiijinta in codeynta guud ay noqoto mid daahfuran maadaama ay dadweynaha ku kalsoon yihiin.
Chebukati ayaa xusay in wada shaqeynta guddiga iyo warbaahinta ay soo billaabatay 4-tii bishii Saddexaad ee sanadkan xilligaasi oo IEBC ay heshiis la saxiixatay midowga wariyaasha dalka ee (KUJ) iyo ururka tifaftirayaasha.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in mar kale dib loo furi doono nidaamka aqoonsiga lagu siinayo wariyaasha in kastoo mudaddii kama dambeyska ahayd laga soo gudbay.
Wafula Chebukati ayaa saxafiyiinta ka codsaday in maalinta doorashada ee 9-ka bisha Siddedaad ay ku sugnaadaan goobaha codbixinta iyo xarumaha codadka lagu xisaabin doono si ay natiijada ula wadagaan shacabka.