90,020 oo Kenyaan ah ayaa isu diiwaangeliyey inay yihiin codbixiyeyaal ka qayb qaadanaya ololaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Joogtada ah (CVR) oo bilaabmay 29-kii September ee 2025-kii.
Warbixin ka soo baxday Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee (IEBC) ayaa muujinaysa in ismaamullada Nairobi, Kiambu iyo Machakos ay hoggaaminayaan tirada diiwaan gelinta codbixiyeyaasha cusub.
Ilaa 31-kii bishii October howsha diiwaangelinta joogtada ah ayaa waxaa la soo tabiyay in 15,619 codbixiye oo codadkooda u wareejiyay goobo kale oo codbixin ah iyo 188 cusbooneysiin ah.
Dowlad deegaannada Nairobi, Mombasa, iyo Kiambu ayaa sidoo kale hoggaaminaya tirada guud ee codbixiyeyaasha la wareejiyay.
Ismaamullada diiwaangeliyey tirada ugu yar ee codbixiyeyaasha cusub ayaa waxaa ka mid ah Tana River (130), Marsabit (284) iyo Isiolo (312).
IEBC ayaa waxaa ay bartilmaameedsaneysaa 6.3 milyan oo codbixiyeyaal cusub ah kuwaas oo gaaray 18 sano iyagoo isu diyaarinaya doorashada guud ee 2027-ka.
Home Wararka Kenya IEBC oo sheegtay inay 90,020 codbixiye oo cusub ku diiwaangelisay ololaha cusub...




