Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) oo kaashanaya guddiga adeegga booliska uu sheegay inuu tababarro u fidin doono saraakiil boolis oo dhan 250,000 si ay amniga ku sugaan xilliga doorashada.
Madaxa fulinta ee IEBC Marjan Xuseen ayaa xusay in tababarka uu ciidamada siinaya xirfadaha ay ku maareyn karaan doorashada guud.
Ku xigeenka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Juliana Cherara ayaa laga soo xigtay in marka saraakiisha la tababaro ka dib la geyn doono goobaha codbixinta iyadoo waxqabadkoodu uu guddiga kula xisaabtamaya.
IEBC ayaa maanta xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ku soo bandhigtay hannaanka qorsheynta amniga doorashooyinka ee (ESAP)waxaana ka qayb galay daneeyeyaasha arrimaha ammaanka.
Madaxa xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee wadanka Ann Nderitu ayaa dhankeeda sheegtay in tababarka ay fidinayaan IEBC iyo waaxda qaran ee adeegga booliska sidoo kale laga qayb gelin doono siyaasiyiinta.