Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay in shaqaale ka tirsan guddigan oo isku diyaarinayay jawaabaha codsiyada doorashada madaxweynaha ee loo gudbiyay maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court la weeraray xalay fiidkii abaare 8:30.
Bayaan ay IEBC soo saartay ayaa ku sheegtay in kooxda weerartay shaqaalahooda ay ahaayeen kuwa abaabulan oo sita hub.
IEBC ayaa intaasi ku dartay in la isku dayay in la weerarro shaqaalahooda oo isku diyaarinayay jawaabaha codsiyada doorashada madaxweynaha.
Guddiga ayaa sheegay inay cambaaraynayaan falkan oo ay ku tilmaameen mid foolxun oo caga-juglayn ah.
Waxaa ay ugu baaqeen taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai in uu soo afjaro xadgudubka bareerka ah oo baalmarsan sharciga.
Shalay ayay ahayd markii hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo kooxdiisa ay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court u gudbiyeen dacwad ay uga soo horjeedaan natiijadii xilka madaxtinimo ee uu 15-kii bishan ku dhaawaaqay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati.
The Commission condemns this act of hooliganism and intimidation, and calls upon the Inspector of Police (IG) to bring to an end this blatant abuse of the Rule of Law.
— IEBC (@IEBCKenya) August 22, 2022