IEBC oo sheegtay in lagu leeyahay deyn dhan 403 milyan oo shilin

0
412

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC) ayaa shaaca ka qaaday inuunan weli bixin deyn dhan 403 milyan oo shilin oo ay ku yeesheen shakhsiyaad u fidiyay adeegyo dhanka sharciga ah.
Waxaa arrintan sheegay madaxa fulinta ee guddiga doorashooyinka Xuseen Marjaan.
IEBC ayaa dhanka kale sheegaysa in aynan u suurtagelin inay dib u hesho lacago laga doonayay inay bixiyaan dadka ku guul dareystay dacwadaha la xiriira doorashooyinka ee ay maxkamadda geeyeen.
Marjaan ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu ka jawaabayay su’aallo dhanka hanti dhowrka ah oo ay waydiiyeen xubnaha guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka.
Guddiga PAC ayaa IEBC u qabtay muddo bil ah oo uu ku dejin karo tallaabooyin uu ku helaya lacagaha ka maqan si uu u bixiyo deymaha lagu leeyahay.