Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee (IEBC) ayaa sheegay inuu qorsheynayo dib u eegis xuduudeed oo lagu fulinayo marxalado kala duwan, sababo la xiriira caqabado sharci, dastuur iyo howlgal oo dib u dhigay howlahaas kana tallaabsaday waqtigii uu sharciga u jideeyay.
Guddoomiyaha IEBC, Erastus Edung Ethekon, ayaa sheegay in dib u qeexidda xuduudaha ay tahay waajib dastuuri ah, balse guddiga uu ku guuldarreystay inuu dhammeeyo waqtigii loo baahnaa, maadaama dib u eegistii ugu dambeysay ay ahayd in la soo gabagabeeyo sanadka 2024-kii. Dib u dhaca ayuu ku sababeeyay maqnaanshaha muddo dheer ee xubnaha guddiga, taas oo ku qasabtay xafiiska fulinta inuu hakiyo geeddi socodka.
Ethekon ayaa sidoo kale xusay in IEBC aysan hadda adeegsan karin xogta tirakoobka dadweynaha ee 2019-kii, maadaama ay wali ku jirto muran maxkamadeed, taas oo caqabad weyn ku ah geeddi socodka xuduud qeexidda. Arrintan ayuu ku tilmaamay mid halis gelin karta diyaar garowga doorashada guud ee 2027, maadaama sharciga uu farayo in xuduudaha la dhameeyo ugu yaraan hal sano ka hor doorashada, waqtigii horeyna la dhaafay.
Si xaaladda wax looga qabto, IEBC ayaa dooratay hannaan taxaddar sharci ku dhisan oo marxalad ah, iyadoo raadsatay talooyin sharci oo ka yimid Xeer ilaaliyaha Guud iyo Maxkamadda ugu Sareeysa dalka ee Supreme Court. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in guddiga uu wajahayo caqabado kale sida doorashooyin dib u dhac ah, wacyigelin codbixiyeyaal oo xaddidan, iyo yaraanta dhaqaale oo lagu qiyaasay ku dhowaad 20 bilyan, taas oo si weyn u saameyn karta fulinta waajibaadka doorashada 2027.




