Waxaa jirta hubanti la’aan la xiriirta qabsoomidda 8 ka mid ah doorashooyinka ku celiska ee la qorsheeyay in ay waddanka ka dhacaan 27-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC Erastus Ethekon oo hor tagay guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka ayaa sheegay in aynan hayn miisaaniyad ay ku maareeyaan doorashooyinkan.
Erastus ayaa caddeeyay in lagu wareejiyay miisaaniyad dhan 788 milyan oo shilin oo ay u adeegsan doonaan in la qabto 16 doorashooyin ku celis ah balse ay wasaaradda maaliyadda weli ka sugayaan qarashaadka doorashooyin dhan 8 oo ah 258 milyan .
Madaxa fulinta ee guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC Marjaan Xuseen Marjaan ayaa sheegay in guddiga uu ilaa hal bilyan, 46 milyan oo shilin ku maalgelin doono qabsoomidda doorashooyinka ku celiska ah.
IEBC ayaa intaasi ku dartay in ay bartilmaameedsanaysa diiwaangelinta 6.3 milyan oo qof si tirada codbixiyeyaasha oo sanadkii 2022-kii ahayd 22.5 milyan loo gaarsiiyo 29 milyan.
Guddoomiyaha IEBC , Erastus Ethekon ayaa sheegay in dadka la diiwaangelinaya ay boqolkiiba 70 noqon doonaan dhallinyaro.