Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC) Erastus Ethekon ayaa dadweynaha u xaqiijiyay in codeynta guud ee sanadka 2027-da loo maareyn doono cid daahfuran oo cadaalad ah.
Waxaa uu gaashaanka u daruuray cabsida laga qabo in natiijada doorashada lagu shubto.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in taasi aynan suurtagal ahayn.
Ethekon ayaa arrintan ka sheegay kulan u dhexeeyay IEBC, dalladda tifaftirayaasha warbaahinta ee dalka ee KEG iyo midowga wariyaasha ee Kenya ee KUJ.
Waxaa kulankan soo qaban qaabiyey machadka xeerarka doorashooyinka iyo maamulka ee Afrika.
Ethekon ayaa xusay in doorashooyinka ay yihiin kuwo ku saleysan xeerar dastuuri ah.
Dhanka kale , guddiga IEBC ayaa sheegay in toddobaadka soo socdo uu soo saari doono jadwalka doorashooyin ku celis ah oo la filaya in ay ka dhacaan qaybo ka mid ah waddanka.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC) Erastus Ethekon ayaa laga soo xigtay in diyaar garowga uu maraya heer sare.
Waxaa uu shacabka u sheegay in dhammaan doorashooyinka ku celiska ah la qaban doono ka hor inta uunan sanadkan dhammaan.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in isbuuc ka dib ay caddeyn doonaan xilliga iyo goobaha lagu qabanaya doorashooyinkan oo meelaha ay ka dhacayaan uu ka mid yahay deegaanka Banisa ee ismaamulka Mandera ka dib geeridii bishii Saddexaad ee sanadkii 2023-kii ku timid xildhibaankii deegaankaasi Kuulow Macallin Xasan.
Sidoo kale , waxaa laga codeyn doonaa deegaanka Magarini ee ismaamulka Kilifi oo ay maxkamadda sare burisay guushii Harrison Kombe.
Kursi baarlamaneedka Ugunja ee ismaamulka Siaya ayaa bannaanaaday ka dib markii Opiyo Wandayi oo xilkaasi hayay loo magacaabay wasiir.
Sidoo kale , waxay doorashada ka dhici doontaa deegaanka Malava ee ismaamulka Kakamega maadaama uu bishii Labaad ee sanadkan geeriyooday xildhibaankii deegaankaasi Malulu Injendi.
Deegaanka Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu ayaa sidoo kale laga codeyn doonaa si loo buuxiyo xilkii uu banneeyay wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Geoffrey Ruku.
Bishgii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii la toogtay xildhibaankii deegaanka Kasipul ee Homa Bay Charles Ong’ondo Were .
Bishii Labaad ee sanadkan waxaa geeriyooday senatarkii dowlad deegaanka Baringo William Kipkorir Cheptumo.
Deegaannada hoose ee lagu qabanaya doorashooyinka ku celiska ayaa waxaa ka mid ah Bariga Kisa ee Kakamega, Chewani oo ka tirsan Tana River iyo Nyamaiya oo ka tirsan ismaamulka Nyamira.