IEBC oo shacabka Garissa ugu baaqday inay si nabad ah u codeeyaan

0
349

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa codbixiyeyaasha deegaan baarlamaneedka Garissa Township ee ismaamulka Garissa ugu baaqay inay Khamiista soo socoto ee 5-ta bishan ay codkooda ku dhiibtaan si nabad ah.
Prof. Cabdi Yaaquub Guuliye oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee guddiga ayaa dadweynaha ka codsaday inay si wayn ugu soo baxaan doorashada ku celiska ee halkaasi lagu qaban doono.
Sida laga soo xigtay IEBC , waxaa deegaanka Garissa Township ka diiwaangashan 53,253 oo codbixiyeyaal ah.
Kursiga ay tartanka ugu jiraan musharraxiinta kala duwan ayaa bannaanaaday ka dib markii Aadan Barre Ducaale oo sanado badan deegaankaasi xildhibaan ka ahaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga ee dalka.
Waxaa sidoo kale Khamiista soo socoto doorashooyin ku celis ah ay ka qabsoomi doonaan deegaan baarlamaneedka Kandara ee Muranga, ismaamulka Elgeyo Marakwet oo ay dadweynaha u codeyn doonaan senatar beddelaya wasiirka gaadiidka Kipchumba Murkomen iyo deegaanka hoose ee Shella ee Lamu.
Dhammaan xisbiyada iyo musharraxiinta ku matalaya loolanka ayaa haysta ilaa 6-da maqribnimo si ay u soo gabagabeeyaan ololahooda sida uu qabo dastuurka wadanka.