IEBC oo maanta dib u bilaabaysa Diiwangelinta Joogtada ah ee Codbixiyayaasha

0
410

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka (IEBC) ayaa dib u bilaabaya Diiwangelinta Joogtada ah ee Codbixiyayaasha ee (CVR).
Daahfurka ayaa ka dhici doona dugsiga hoose dhexe ee Mashuuru oo ku yaala deegaanka bariga Kajiado, taasoo daaqad kale u furaysa dadka Kenyanka ah ee xaqa u leh inay isku diwaangaliyaan doorashada guud ee 2027.
IEBC ayaa sheegtay in diiwaangalinta lagu qaban doono dhamaan xafiisyada doorashada ee dalka, marka laga reebo goobaha lagu wado in ay ka dhacaan doorashooyinka ku celiska ah.
Sida ay komishanku sheegeen, hindisahani waa qayb ka mid ah waajibaadkooda si loo joogteeyo diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo la cusboonaysiiyey, laguna kalsoonaan karo, taas oo udub dhaxaad u ah hannaan doorasho oo hufan oo loo dhan yahay.