Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay go’aan ah in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uunan awood u lahayn inuu u yeero musharrax ama qof marqaati ah si wax looga weydiiyo ku xadgudubka xeerarka u degsan doorashooyinka.
Waxaa amarkan ku dhawaaqay garsoore Antony Mrima.
Xaakinka ayaa mid sharci darro ah ku tilmaamay guddi oo hoggaamiyo guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati oo kiisaskan dhageysta.
Go’aanka maxkamadda sare ee dalka ayaa yimid ka dib dacwad ay gudbisay wakiilka haweenka ee ismaamulka Murang’a Sabina Chege oo ay ku doonaysay in la hor istaago kiis ka dhan ah kaasoo hor yaalla guddiga doorashooyinka.
Sabina Chege ayay IEBC u yeertay ka dib markii isku soo bax siyaasadeed oo lagu qabtay ismaamulka Vihiga ay ka sheegtay in lagu shubtay natiijadii doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii.
Hasa ahaate weli ma cadda in guddiga doorashooyinka uu racfaan ka qaadan doono go’aanka ka soo baxay maxkamadda.