IEBC oo la siinaya 8.8 bilyan oo dheeraad ah

0
330

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa helaya miisaaniyad dheeraad oo gaaraysa 8.8 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa guddiga ka caawin doono u diyaar garowga doorashada guud ee Kenya ka dhacaysa 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Tani ayaa qayb ka ah miisaaniyad ay soo saartay wasaaradda maaliyadda oo dhan 139,752,936,287 taasoo shalay loo bandhigay madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta si uu u ansaxiyo.
Hindise sharciyeedyada uu shalay saxiixay madaxweynaha ayaa ka koobnaa shan waxaana ka mid ahaa mid ku saabsan miisaaniyad dheeraad ah oo ay wax ka heleen shirkadaha ka ganacsado shidaalka iyo guddiga doorashooyinka dalka.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Mr.Wafula Chebukati ayaa horay walaac uga muujiyay inaysan ku filnayan 26.4 bilyan oo shilin oo ay u qoondeysay wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka.
Chebukati waxaa uu sheegay inay u baahan yihiin 14.6 bilyan oo dheeraad ah si miisaaniyadda guud ee soo gaarta ay u noqoto 40.9 bilyan oo shilin.
Waxaa uu guddoomiyaha IEBC ku celceliyay in marka la eego qarashaadka ku baxaya maareynta doorashada aysan ahayn arrin fudud.