IEBC oo kordhisay muddada ay xisbiyada ku soo magacaabi karaan haweenka

0
466

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa kordhiyay muddadii uu horay ugu qabtay xisbiyada siyaasadeed ee dalka oo ku ekeyd shalay.
Xisbiyada ayaa hadda haysta ilaa 5-ta galabnimo ee 12-ka bisha oo Khamiis ku beegan si ay ugu hoggaansamaan xeerka dastuuriga ee ku saabsan isku dheelitirka jinsiyadeed.
Waxaa laga doonaya in musharraxiinta ay xisbiyada soo magacaabayaan si ay ugu matalaan golayaasha xeer dejinta in wax ka badan saddex meelood labo meel aynan hal jinsi ka soo wada jeedin.
IEBC ayaa wacad ku martay in xisbigii aan xeerkan ilaalin in aan loo oggolaan doonin ka qayb qaadashada doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.