IEBC oo diiwaangelisay in ka badan 500,000 oo codbixiyeyaal cusub ah

0
374

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada wadanka ee IEBC ayaa sheegay in muddo labo toddobaad gudahood ah uu diiwaangeliyay codbixiyeyaal cusub oo gaaraya 548,188 qof.
Guddoomiyaha guddigan Wafula Chebukati oo bayaan soo saaray ayaa xusay in bartilmaameedsigoodu uu ahaa inay diiwaangeliyaan 2,987,138 qof.
Wajiga labaad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo soo billowday 17-kii bishii hore ayaa ku eg 6-da bishan labaad ee Febraayo.
Guddiga doorashooyinka ayaa laga soo xigtay in la soo gudbiyay codsiyo dhan 130,320 oo ay dadku doonayaan inay beddeshaan goobaha codbixinta iyo 989 wax ka beddelaya macluumaadkii ay isku diiwaangeliyeen.
Barnaamijkan ayaa ka socdo dhammaan 1,450 oo ah deegaannada hoose ee wadanka iyo qurbaha sida waddamada Maraykanka, Ingiriiska ,Qatar, Jarmalka , Koonfur Afrika, Tanzania, Uganda, Rwanda. Burundi iyo Suudaanta Koonfureed.
Wafula Chebukati, guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada wadanka ayaa warbaahinta u sheegay in diiwaangelinta kenyaanka qurbaha ku nool la soo gabagabeyn doono maalinka 15-aad laga soo billaabo taariikhda dalkaasi laga daahfuray barnaamijkan.
Chebukati ayaa shacabka aan weli isu diiwaangelin ka qayb qaadashada codeynta guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan maalmaha haray.