IEBC oo diiwaanagalisay in ka badan 7000 oo codbixiyaal cusub ah

0
237

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegay in la diiwaangaliyay 7,048 codbixiyeyaal oo cusub ah afartii maalmood ee la soo dhaafay oo ay socoto diwaan galinta codbixiyayaasha.
War qoraal ah oo uu soo saaray gudoomiyaha IEBC Erastus Ethekon waxa uu ku sharaxay in tirooyinkan ay muujinayaan koboc horumar leh oo ku yimid diiwaangalinta Kenyaanka iyada oo guddigu uu doonayo in uu dad badan oo Kenyaan ah ku soo kordhiyo Barnaamijka lagu diiwaangalinayo codbixiyaasha cusub.
Ismaamulka Nairobi ayaa diiwaan geliyay tirada ugu badan ee codbixiyeyaal cusub oo la diiwaangaliyay kuwaas oo gaaraya 1,597, waxaa ku xiga ismaamulka Mombasa (556), Kiambu (386), iyo Kisii (312).
IEBC waxa ay dib u xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay in ay hubiso in adeegyada diiwaangelinta codbixiyayaashu ay noqdaan kuwo la heli karo, loo dhan yahay, daah-furan, iyo hufnaan dhammaan qaybaha dalka oo dhan marka laga reebo goobaha loo qorsheeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka ku celiska ah ee 27-ka bisha November ee sanadkan 2025 sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay guddiga.
Ethekon wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhammaan xogta cod-bixiyayaasha, oo ay ku jirto macluumaadka cusub ee iris-ka, loo maarayn doono si adag oo waafaqsan Xeerka Ilaalinta Xogta, 2019.
Waxa uu intaa ku daray in Komishanku uu sii xoojinayo wacyigelinta bulshada si loo xaqiijiyo in diwaan-gelinta codbixiyayaashu ay si wanaagsan u dhacdo.