IEBC oo caddeysay sababta doorashooyinka ku celiska ah loo qabanaya bisha 11-aad

0
622

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC) ayaa faahfaahiyay sababta 27-ka bisha 11-aad ee sanadkan loo qaban doono doorashooyinka ku celiska ah.
IEBC ayaa go’aankeeda u aaneysay in aan la haleeli karin muddada kama dambeyska ee 90-ka cishe ee dastuuriga ah maadaama laga daahay dib u dhiska guddiga.
Waxay IEBC sheegtay in ay adeegsatay farqada 259-aad ee dastuurka dalka oo oggolaanaysa in ay jirto dabacsanaan la xiriirta fasiraadda sharciga marka ay xaalado culus soo kordhaan.
Guddigan ayaa sidoo kale xusay in goobo badan oo laga codeynaya ay yihiin dugsiyo sidaasi awgeedna ilaalinta muddada kama dambeyska ah ee 90-ka maalmood ay carqaladeynaysa waxbarashada.