IEBC oo cabasho ka muujinaysa miisaaniyad yari

0
422

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ayaa sheegaya inay haysato caqabad dhanka dhaqaalaha ah.
Guddoomiyaha guddigan Mr. Wafula Chebukati ayaa xusay in culeyska jiro awgeed aynan u suurtagelin inay agab ku filan geeyaan dhammaan deegaanada hoose ee dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in miisaaniyadda dhaqaale ee loo qoondeeyay aynan ku filnayn inay si buuxda ugu diyaar garobaan doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Isniintii guud ahaan wadanka laga billaabay diiwaangelinta ku dhawaad 7 milyan oo codbixiyayaal cusub ah.