IEBC oo billowday turxaan bixinta musharraxiinta madaxweyne

0
471

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa shalay si rasmi ah u billaabay inuu qiimeeyo 18 musharrax oo daneynaya qabashada hoggaanka wadanka.
Ansaxinta musharraxiintan ayaa xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ka socon doonto ilaa 7-da bisha Lixaad ee sanadkan.
IEBC ayaa ku dadaalaysa xaqiijinta in musharrax kasta uu buuxiyay shuruudaha laga doonayo ee dastuuriga ah.
Shuruudaha waxaa ka mid ah in musharraxa uu shahaado rasmi ah ka sito xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale waxaa looga baahan yahay inuu guddiga ku wareejiyo saxiixyada caadiga ah sidoo kale iyagoo elektoroonig ah ee taageerayaal dhan 48,000.
Tani ayay micnaheedu tahay inuu ugu yaraan 24 ka mid ah 47-da deegaan ee wadanka uu ka helo min 2,000 oo taageerayaal ah.
Musharraxa waxaa kale oo looga baahan yahay inuu haysto ugu yaraan shahaadada jaamacadeed ee Degree,caddeynta muwaadinnimo , inuu yahay codbixiye diiwaangashan, inuu saxiixay dokumeentiga habdhaqan wanaagga laga doonayo hoggaamiyaha, buuxinta shuruudaha hufnaanta ee madaxda iyo 200,000 oo shilin oo ah qarashaadka xulashada.
Waxaa shalay guddiga doorashooyinka ee dalka hor tagay oo aan la ansaxin Peter Mumbiko King’ori oo ah musharrax madax bannaan iyo Justus Juma oo ka tirsan xisbiga cadaaladda iyo xurriyadda ee (Justice and Freedom Party).
Codsiga siyaasiyiintan ayuu guddigu dhinac iskaga dhigay ka dib markii ay ku guul dareysteen inay buuxiyaan shuruudo lagu xiray.
Hasa ahaate IEBC ayaa Juma u qabatay ilaa 2-da bisha nagu soo aaddan ee June si uu waxyaabaha ka dhiman u soo buuxiyo halka King’ori uu haysto ilaa 6-da June.
Jadwalka uu soo saaray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa muujinaya in abaare 8-da subaxnimo ee berri la qiimeyn doono Prof. George Wajackoyah oo ah musharraxa madaxweyne ee xisbiga (Roots Party.
10-ka barqanimo ee berri waxaa guddiga hor tagi doono Walter Mongare oo ka socdo (Umoja Summit Party)
2-da duhurnimo ee Talaadada waa Dorothy Kemunto Nyangaori oo ah musharrax madax bannaan Gibson Ngaruiya Nganga(Arbacada), James Kamau (khamiista), Jimcada waa Jeremiah Nyagah iyo Jane Juliet Munyeki oo labaduba madax bannaan.
Maalinta Sabtida ee 4-ta bisha Lixaad , guddiga IEBC waxaa abaare 11-ka barqanimo ka soo hormuuqan doono musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Samoei Ruto, 2-da duhurnimo ee maalinkaasi waxaa la qiimeyn doonaa madaxa Wiper Kalonzo Musyoka iyo dhigiisa xisbiga Agano David Mwaure Waihiga .
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja Raila Odinga ayaa 10-ka barqanimo ee Axadda soo socoto , 5-ta bisha June ka soo hormuuqan doono xubnaha IEBC.
Waxaa maalinkaasi ku xigi doono Dr. Ekuru Aukot, madaxa xisbiga (Thirdway Alliance) iyo George Munyottah oo madax bannaan .
Isniinta dambe ee 6-da June , IEBC ayaa turxaan bixin doonto musharraxa madaxweyne ee xisbiga Safina ganacsade Jimi Wanjigi, dhigiisa Ford Asili Njeru Kathangu iyo Muthiora Eliudi Kiriara oo madax bannaan.