Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa berri lagu wadaa in kulan wadatashi ah uu la yeesho dhammaan musharraxiinta ay saameysay hakinta doorashooyinkii qorsheysnaa inay qabsoomaan 23-ka bishan.
Musharrixiinta oo kurastooda doorashada baaqatay ayaa isugu jira kuwa u tartamaya xilka barasaabnimo ee ismaamullada Mombasa iyo Kakamega.
Waxaa ay sidoo kale arrintan saameysay afar kursi ee deegaan baarlamaneed oo kala ah deegaannada Koonfurta Pokot, Kitui Rural, Rongai iyo Kacheliba.
Labada musharrax ee ugu cadcad doorashada guddoomiyaha ismaamulka Mombasa, Cabdulswamad Shariif Naasir oo ku tartamaya tigidka xisbiga ODM iyo Xasan Sarai oo UDA ah, ayaa xaqiijiyeen in lagu casuumay kulanka, kaas oo ka dhici doona xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Musharrixiinta ayaa doonaya inay ogaadaan sababta markale dib loogu dhigay doorashooyinkan.
Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa sheegay in kaliya uu doonaya in doorashada la qabto oo aan dib loo dhigin markale .
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa horraan sheegay in la hakiyay doorashada xilalka barasaabnimo ee ismaamullada Mombasa iyo Kakamega ka dib markii qalalaad dhanka magacyada iyo sawirrada musharraxiinta ah lagu arkay warqadaha codbixinta.
Waxaa uuna sheegay in 23-ka bishan ay doorashooyinkaasi dhici doonaan.
Hasa ahaate qoraal uu maalmo ka hor soo saaray ayuu ku sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha IEBC la dhibaateeyay, islamarkaana doorashooyinkii la hakiyay dib laga soo sheegay xilliga ay qabsoomi doonaan.
Home Wararka Kenya IEBC oo berri kulan la qaadan doonto musharrixiinta xilalka guddoomiyaha ismaamullada Mombasa...