IEBC oo ansixisay musharraxiinta doorashooyinka ku celiska ah

0
734

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC) ayaa billaabay ansixinta magacyada musharraxiinta u tartamaya jagooyinka kala duwan.
Waxaa shakhsiyaadkan soo xushay xisbiyada siyaasadeed ee waddanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in 27-ka bisha 11-aad ee sanadkan ay dalka ka dhacaan 24 doorashooyin ku celis ah.
Xilalkan ayaa la shaaciyey in ay bannaanaadeen horraantii sanadkan .