Marwada Raa’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga, Ida Odinga ayaa Kenyaanka u xaqiijisay in ninkeeda uu caafimaadkiisa wanaagsan yahay.
Iyadhoo la hadashay dadka deegaanka Migori fiidnimadii Talaadada ayaa waxaa ay sheegtay in Raila uu dalka dibadiisa ugu safray si uu muddo uga nasto siyaasada Kenya.
Waxaa ay sidoo kale su’aal gelisay sida dad aan u dhaweeyn Raa’iisul wasaarihii hore ay uga sheekeeyn karaan caafimaadkiisa iyaga oo aan la socon xogta dhabta ah.
Iyadoo meesha ka saartay wararka xanta ah ee sheegaya in Odinga uu xanuunsan yahay, Ida ayaa xustay inay tahay qofka ugu wanaagsan ee ka hadli kara xaalka Odinga maadaama ay la nooshahay, si ka duwan kuwa xanta faafinaya.
Waxaa ay intaa ku dartey in Raila uu maalmaha soo socda uu dalka dib ugu soo laaban doono.