Guddiga caalamiga ee Laanqayrta Cas ee (ICRC) ayaa sheegay inuu walaac xooggan ka muujinaya bartilmaameedsi kolonyo baabuur oo siday gargaar baniaadannimo oo uu guddigan leeyahay loogu gaystay Qaza.
Waxaa rasaas lagu furay baabuurta xamuulka oo shan ah iyo labo gaari oo kale.
Baabuurta la weeraray ayaa waxaa saarnaa agab caafimaad oo loo waday isbitaallada ku yaalla Qaza.
Bayaanka ICRC waxaa ku cad in labo ka mid ah gawaarida uu burbur soo gaaray.
Sidoo kale weerarka oo lagu eedeyay Israa’iil ayaa waxaa uu dhaawac fudud ka soo gaaray mid ka mid ah wadayaasha baabuurta gargaarka.
Madaxa wafdiga ICRC ee Qaza ,William Schomburg ayaa sheegay in howlwadeennada gargaarka aynan xaaladahan oo kale ku shaqeyn karin.