ICC oo guddoontay warqad uu qoray mucaaradka dalka

0
359

Maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ayaa sheegtay inay guddoontay warqad uu u gudbiyay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya.
Mucaaradka ayaa doonaya in maxkamadda ay baarto awood xad dhaaf ah oo ay ku doodayaan in saraakiisha booliiska ay u adeegsadeen dibadbaxayaal.
Wargeyska Nation ayaa ku warramaya in maxkamadda ICC ay xaqiijisay inay heshay liiska shakhsiyaadka mucaaradka dalka uu sheegaya in saraakiisha amniga ay dileen ama ay dhaawaceen intii ka falcelinayeen mudaaharaadyadii ka dhacay ismaamullada Nairobi, Kisumu, Migori iyo Homa Bay.