Hungary oo sheegtay in ay iskaga baxaysa ICC

0
805

Dowladda dalka Hungary ayaa shaacisay in ay soo afjaraysa xubinnimadeeda maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamaddu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu u jartay warqad lagu soo xiraya.
Netanyahu ayaa maanta oo Khamiis ah safar ku tagay Hungary.