Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) ayaa dowladda Tunisia ugu baaqday inay xabsiga ka soo siidayso ra’iisul wasaarihii hore ee wadankaasi Cali Laarayedh.
Laarayedh oo ay da’diisu tahay 68 sano ayaa ah ku xigeenka madaxa xisbiga mucaaradka ee Ennahda.
Hay’adda ayaa sheegtay in mas’uulkan hore uu xabsi ku jiray tan iyo 19-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore isagoo aan maxkamad la soo taagin.
Cali Laarayedh ayaa ra’iisul wasaaraha Tunisia soo noqday intii u dhexeysay bishii Saddexaad ee 2013 ilaa bishii Koowaad ee sanadkii 2014.
Tallaabada lagu xiray ayaa qayb ka ah baaritaano lagu haya sida kumanaan qof oo u dhashay Tunisia ay dalkaasi uga tageen oo ay ugu biireen kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS iyo kooxo kale oo hubeysan tan iyo markii 2011-kii hoggaanka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheeraad ee Tunisia Zine El Abidine Bin Cali.
Agaasimaha hay’adda HRW ee dalka Tunisia Salsabil Chellali ayaa sheegtay in marka la eego macluumaadka la haya , in xarigga Laarayedh uu ka mid yahay dadaallada maamulka madaxweyne Kais Saied uu ku aamusiinaya hoggaamiyaasha xisbiga Ennahda iyo xubnaha kale ee mucaaradka iyadoo qiil laga dhiganaya argagixisada.
Haweeneydan ayaa sheegtay inay dalbanayaan in si degdeg ah xabsiga looga siidaayo Cali Laarayedh iyo mas’uuliyiinta kale ee siyaasadeed iyadoo aan la hayn caddeymo wax ku ool oo ku aaddan dembiyo ay galeen.
Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa laga soo xigtay in tan iyo markii la xiray Laarayedh, sidoo kale xabsiyada la dhigay in ka badan 20 qof oo dhaliila dowladda Tunisia oo isugu jiro siyaasiyiinta mucaaradka , garsoorayaal iyo dadka u dhaqdhaqaaqa maamul wanaagga.
Ugu yaraan 9 ka mid ah dadkan waxay xubno ka yihiin ama horay uga tirsanayeen xisbiga mucaaradka ee Ennahda.
Sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii darasaad ay sameysay qaramada midoobay lagu ogaaday in ugu yaraan 4,500 oo qof oo u dhashay dalka Tunisia ay suurtagal tahay inay wadankaasi ka tageen intii u dhexeysa 2011 ilaa 2014 iyagoo ku biiray kooxaha hubeysan.